Garoowe: Karkaar oo laga badiyey, Bari iyo Haylaan oo Bareejo Galay [Sawiro]

Published: February 5, 2012

Ciyaaro aad u xiisa badan oo ka tirsan tartanka gobolada Puntland ayaa shalay galab ka dhacay garoonka kubadda cagta magaalada Garoowe ee Mire Awaare.

4-xul oo kamid ah xululka ugu awooda waaweyn islamarkaana ka wada tirsan hal Group ayaa is arkay, qaybta 1-aad waxaa wada dheelay labada xul ee Karkaar iyo Nugaal.

Ciyaarta gobolada Nugaal iyo karkaar dhex martay oo ahayd mid aad u xamaasad badan ayaa kusoo idlaatay 2-1 ay guushu ku raacday xulka gobolka Nugaal oo ay labadaas gool u dhaliyeen labada ciyaar yahana ee Najiib-8 iyo Yacquub-16, halka gool ee uu gobolka Karkaar garoonka kala hoydeyna waxaa u saxiixay ciyaartoyga lagu magacaabo Maxamuud (Dhuubane).

Qaybta dabne ee ciyaaraha waxaa wada dheelay labada xul ee Haylaan iyo Bari oo labadoodaba laga soo badiyey labo ciyaaradood oo ay horay usoo yeesheen, xulalka Bari iyo Haylaan oo ciyaar wanaagsan wada dheelay waxay ku kala bixi waayeen bareejo 1-1 ah.

Gobolka Bari oo goolka ku hormaray waxaa u dhaliyey Cabdrisaaq Gacayte, halka gobolka Haylaan oo goolka ay la yimaadeeni uu Rikoore ahaa uu u saxiixay ciyaartoyga lagu magacaabo Xasan Baari.

Soo gudbinta wararka iyo Sawirada tartanka 6-aad ee kubadda cagta gobolada Puntland waxaa gacan weyn ka geysatey shirkadda isgaarsiinta geyigeena Golis .

Maxamed Siciid Yuusuf

Horseed Media

Garoowe