Garoowe: Madaxweynaha Puntland oo dalka dib ugu soo laabtay [Cod+Sawiro]

Published: February 7, 2012

Garoonka diyaaradaha ee magaalada Garoowe waxaa maanta kasoo degey madaxweynaha dowlada Puntland Dr Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud Faroole oo mudo sadex todobaad ah booqasho ku marayey dalalka Jabuuti iyo Imaaraadka Carabta.

Madaxweynaha Puntland oo ay garoonka si diiran ugu soo dhoweeyeen mas`uuliyiin wasiiro, iyo xildhibaano u badan oo uu horkacayey madaxweyne ku-xigeenka Puntland Gen. Cabdisamed Cali Shire ayaa wax yar kadib imaatinkiisa magaalada Garoowe Saxaafadda uga warbixiyey safaradii uu dalka dibadiisa ugu baxay iyo waxyaabihii uga soo qabsoomay.

Dr Faroole wuxuu sheegay in dhamaan kulamadii uu la qaatay madaxda dalalkii uu safarka shaqo ku tegey ay is afgarad iyo guul kusoo dhamaadeen, wuxuun tilmaamay in ay ka wada hadleen arimo ay kamid yihiin:

  • Sidii loo xiijin lahaa xiriirka ka dhexeeya Puntland iyo dalka Jabuuti iyo UAE
  • Sidii la isaga kaashan lahaa la dagaalanka burcad-badeeda
  • Sidii ay Puntland uga caawin lahaayeen dhanka tacliinta iyo ka faa`iideysiga khayraadka dabiiciga ah.

Madaxweynaha Puntland waxa kale uu ka warbixiyey shirkii ICG ee dhowaan magaalada Jabuuti lagu soo gaba gabeeyey kaas oo wefdi uu horkacyo oo Puntland metelayaa ay qayb galeen isagoo sheegay in xiligan la joogo dalka Soomaaliya uu u muuqdo mid ay indhaha caalamku kusoo jeedaan.

Dhegeyso codka madaxweynaha Puntland

[powerpress]

 

 

Maxamed Siciid Yuusuf

Horseed Media

Garoowe