Published: November 21, 2022

Meydka Marxuum Garaad Saleebaan Garaad Maxamed ayaa saaka salaadda janaasada lagu tukaday garoonka kubadda Cagta Mire Awaare ee magaalada Garoowe.
Salaadda janaasada marxuumka waxaa ka qayb-galay Madaxweyne kuxigeenka Puntland, Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntlnand, qaar kamid ah isimada waaweyn ee Soomaaliyeed iyo dadweyne kala duwan.
Alle ha u naxariistee, Garaadka ayaa maanta lagu aasi doonaa degaanka Sarmaanyo ee Gobolka Sool.
Marxuumka oo geeriyooday labo maalin kahor waxaa aaskiisa ka qab-galaya qaar kamid ah isimada Soomaaliyeed oo isaga kala yimid degaanno kala duwan iyo mas’uuliyiin dowladeed.
Horseed Media