Garoowe: Mudug iyo Sanaag oo u soo gudbay Semi-Finalka Sool iyo Cayn oo Daadku Qaaday [Sawiro]

Published: February 7, 2012

Ciyaaro aad u xiisa badan oo ka tirsan tartanka 6-aad ee kubadda cagta gobolada Puntland ayaa galabta ka dhacay garoonka Mire Awaare ee magaalada Garoowe.

Koobka gobolada puntland oo sanadkan ka duwan kuwii hore ayaa waxa soo baxay gobolo carcartooda qaba halka kuwii looga cabsi qabay sanadkana ay duufaantu qaaday mar hore.

Qaybta hore ee ciyaarahaas waxaa is arkay labada gobol ee Sool iyo Sanaag iyadoo waqtigii loogu talagalay ciyaarta ay isla dhaafi waaen bar bardhac 2-2 ah sida caadada ahaba waxaa garsooruhu uu ku kala saaray labadaas gobol lug-ku laad ama riigoorayaal waxaana ay guushu raacday gobolka Sanaag oo 5-3 kaga badiyay gobolka Sool

Gobolka Sool ayaa ka mid ahaa gobolada sanadkan looga cabsi qabay in ay ku guulaystaan koobka 6-aad ee gobolada puntland hase ahaatee waxay kudaba feelayn kooxdii difaacanaysay sanadkan koobkan ee bari oo shalay daadku qaaday.

Qaybta danbe ee ciyaaraha galabta waxaa madaxa is daray labada xul ee Mudug iyo Cayn oo ciyaartoodu aysan micno badan lahayn waayo gobolka mudug waxaa uu lahaa 6 dhibcood oo nadiif ah iyo 2 gool sidaa daraadeed banaanka ayuu uga soo baxay groubka .

Hase ahaatee galabta waxaa uu cagta sii mariyay gobolka ay abaarta guul la’aanta ah saamaysay sanadkan ee cayna ka dib markii uu kaga badiyay 2-1 waxaana goolasha xulka gobolka mudug u dhaliyay laacibkooda afka hore Ciise Tores -9 oo haatan gool dhalinta leh 4 gool.

Xulalka Sanaag iyo Mudug ayaa u soo gudbay afar dhamadka koobkan iyadoo ay madaxa isla gali doonaan sida la filayo xulalka . Mudug Vs Karkaar iyo Nugaal Vs Sanaag, halka xulalkii Bari, Sool,Haylaan, Cayn dhamaantood ay ka hareen koobkan.

Maxamed Siciid Yuusuf

Horseed Media

Garoowe-Puntland