Garoowe: Nin meyd ah oo 22-aad lagu arkay

Published: February 19, 2012

Nin meyd ah ayaa saaka aroortii lagu arkay duleedka degmada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal.

Ninkan oo sida loo badinayo ahaa qof madaxa looga jiro islamarkaana la sheegay in habeenimadii xalay uu gaari jiirey ayaa waxaa soo qaaday ciidamada Booliska ee degmada Garoowe.

Taliyaha Saldhigga Booliska Garoowe labo xidigle Aadan Muuse Jaamac oo Horseed Media u waramay ayaa ka warbixiyey qaabkii uu ninkaasi u geeriyoodey.

Wuxuuna sheegay in ninkan oo sida dadka qaar ay sheegeen ahaa qof waalan uu habeen nimadii xalay gaari ku jiiray gooladda 22-aad ee dhinaca bariga Gaoowe kaga beegan.

Taliye Aadan ayaa mar ay Horseed Media weydiisey sida lagu xaqiijiyey in ninkaasi uu shil gaari ku geeriyooodey iyo weliba in geeridiisa cid loosoo qabtay wuxuu sheegay in baaritaan meydkiisa ay dhakhaatiirtu ku sameeyeen lagu ogaadey in dhimashadiisa uu shil gaari sababay.

Wuxuuna intaas raaciyey in aan weli cid loosoo qaban haseyeeshee ay Boolisku wadaan baaritaan ku aadan sidii gaarigii shilka geystey iyo dareewalkiisiiba gacanta loogu soo dhigi lahaa si su’aalo loo weydiiyo.

Taliyaha saldhigga Booliska ee degmada Garoowe labo xidigle Aadan Muuse Jaamac ayaa ugu danbeyntii sheegay qaar kamid ah tilmaamaha uu ninkaasi leeyahay wuxuuna xusay inuu yahay nin buuran, gar-yar leh, ilkaha kore qaarkoodna ay ka maqan yihiin.

Si kastaba ha ahaatee Soomaaliya oo kamid ah dalalka ay dadka dhimirka ka jirani sida aadka ah ugu badan yihiin islamarkaana aan lahayn wax daryeel ah oo dadkaas loo fidiyo ayaa waxaa sanad walba ku geeriyooda tobanaan dad waalan ah kuwaas oo intooda badan ay gawaaridu noloshooda galaaftaan.

 

Horseed Media