Garoowe: Nugaal iyo Karkaar oo galabta foodda is dari doona

Published: February 12, 2012

Garoonka kubadda cagta Mire Awaare ee magaalada Garoowe waxaa galabta ka dhacaysa ciyaar aad u xiisa badan oo ka tirsan tartanka 6-aad ee kubadda cagta gobolada Puntland.

Ciyaartan oo ah midda kama danbeysta ah ayaa waxaa wada yeelan doona labada xul ee kala metelaya labada gobol ee Nugaal iyo Karkaar islamarkaana ah labo xul oo intii uu tartanku socdey ciyaar wanaag iyo xirfad aad u saraysa soo bandhigay.

Xulka gobolka Nugaal oo iyaga mid ka mid ah Hotel-ada magaalda Garoowe casho sharaf loogu sameeyey ayaa qaar kamid ah ciyaartoyda galabta u safan doona oo Horseed Media lasoo xiriiray waxay sheegeen inay ku dadaalayaan ayna ka go`an tahay sidii koobkaas caasimadda loogu gacan gelin lahaa.

Dhinaca xulka Karkaar oo iyagana in badan oo taageerayaashooda kamid ahi ay magaalada Garoowe soo gaareen saacadihii u danbeeyey welina ay kusoo qul qulayaan ayaa sheegay in aan horyaalnimada cidina ka horjoogsan doonin.

Cabdiraxmaan Maxamed Cali [Black] oo ah weriyaha degmada Qardho uga soo warama warbaahinta Horseed Media islamarkaana la socda kolonyo gaadiid ah oo ay wataan taagerayaasha xulka Karkaar oo goor hore oo saaka ah Qardho ka baxay ayaa mar aan khadka telefoonka kula xiriirnay sheegay in ay Garoowe wax yar u jiraan.

Nugaal iyo Karkaar oo ah labada xul ee kasoo baxay 8-dii kooxood ee metelayey gobolada Puntland ayaa ciyaarta ay galabta yeelan doonaan waxaa si aad ah logoa hadal hayaa magaalooyinka waaweyn iyo guud ahaan deegaanada kale ee Puntland.

Natiijada ay ciyaartaasi kusoo gaba gabowdo iyo sawiradaba Horseed Media saacadaha soo fool leh ayey idiin soo gudbin doontaa.

Horseed Media