Garoowe: Nugaal oo Finalka usoo baxday iyo Sanaag oo dirqi looga badiyey [Sawiro]

Published: February 9, 2012

Ciyaar aad u xiiso badan oo kamid ah Afar dhamaadka koobka 6-aad ee gobolada puntland ayaa galabta ku dhexmartay garoonka mire awaare xulalka gobalada Nugaal iyo Sanaag.

Ciyaartan oo ku bilaabatay jawi aad u dagan ayaa markii ay daqiiqadu socotay waxaa isbadal weyn uu ku yimid kooxda gobolka sanaag oo soo bandhigtay ciyaar aad u wanaagsan isla markaana ay u riyaaqeen dhamaan dadkii ka soo qayb galay daawshada ciyaartii galabta .

Xulka gobolka Sanaag ayaa ku hormay gool arga gax ku riday taageerayasha xulka Nugaal waxaana goolkaas saxiixay qaybtii hore ee ciyaarta Weerar yahanka Xulka Sanaag Zaki-17 oo kubad aad u qurxooneed daba mariyay goolhayaha kooxda Nugaal.

Qaybtii hore ee ciyaarta labada xul waxay ku kala nasteen 1-0 oo ay ku gacan sareeyaan xulka Sanaag balse Qaybtii danbe markii dib la iskugu soo laabtay waxay ciyaartu isku badashey weerar iyo is difaacid.

Ciyaartoyda Xulka gobolka Nugaal oo aan ka rajo dhigan in kubada ay taabsiyaan shabaqa xulka gobolka Sanaag ayaa daqiiqadihii danbe ee ciyaarta waxay heleen gool kii ugu qiimaha badnaa inta uu socday koobkan oo ahaa kii ay ku bar-bareeyen gobolka Sanaag waxaana goolkaas ku baashaalay laaacibka lanbarka 13-aad ee lagu naanayso Hanbo

Taageerayaasha gobolka Nugaal ayaa farxad iyo damashaad ku dhamaystay intii loogu tala galay ka dib markii ay barejeeyen Xulka Sanaag waxaana Intii loogu tala galay ciyartu ay ku soo idlaatay 1-1 labada xulba

Garsoore Geeseweyne oo maanta dhex dhexaadinayay ciyaarta ayaa ku dhawaaqay in lagu kala bixi doono sidii caadada ahaydba lug ku- laad ama riigoorayaal waxaana ugu danbaytii ciyaartu ay ku soo dhamaatay 4-2 oo ay guusha ku raacday xulka gobolka Nugaal oo u gudbay Ciyaarta kama danbaysta ah ee finalka .
Bari waxaa Ciyari doona xulalka Mudug Vs Karkaar .

Horseed Media