Garoowe: Shirka wadatashiga Dastuurka oo maanta furmaya

Published: February 15, 2012

Magaala madaxda Puntland ee Garoowe waxaa ka socda diyaar garowgii ugu danbeeyey ee qabsoomidda shirka wadatashiga Dastuurka oo maanta furmaya.

Inta badan wufuudii shirkaas ka qeyb geli lahayd ayaa magaalada Garoowe soo gaarey, waxaase jira qaar kamid ah ergooyinka oo weli la sugayo

Dhinaca kale ammaanka magaalada Garoowe ayaa maanta si aad ah loo adkeeyey gaar ahaan agagaarka jaamacadda PSU oo hoolkeeda uu maanta shirku ka furmayo.

Weriyaha Horseed Media ee Garoowe oo isagu xiligan ku sugan meel u dhow goobta uu shirku ka dhacayo oo aan khadka Telefoonka kula xiriinay ayaa kusoo waramaya in qaban qaabo xoog lihi ay socoto inkasta oo aan si rasmi ah loo shaacin wakhtiga uu shirku bilaabmi doono.

Shirkan ayaa daba socda kii dhamaadkii sanadkii tegey isla xarunta Puntland ee Garoowe ka dhacay, waxaana ka qeyb gelaya ergooyinkii joogey kii hore oo kala metelaya DKG, Puntland, Gal-mudug, iyo Ahlu-Sunna.

Qodobada ugu muhiimsan ee lagu gorfeynayo inta uu shirkani socdana waxaa kamid ah dib u eegista Dastuurka qabyada ah iyo meel marinta habka maamul ee ay ku shaqeyn doonto dowlada cusub ee marka marxaladda KMG ah laga baxo imaan doonta.

Horseed Media waxay bahweynta ku taxan u balan qaadaysaa soo gudbinta sawirada iyo weliba khudbadaha ay mas`uuliyiinta kala duwani ka jeediyaan furitaanka shirka.

 

Horseed Media