Garoowe: Wasaaradda Caafimaadka Puntland Oo La Wareegtay Saddex Baabuur-Sawiro.

Published: February 21, 2017

Wasaaradda Caafimaadka dowladda Puntland ayaa hay`adda Save the Children kala wareegtay saddex gaari oo loogu talagalay inay ka howlgalaan gobolka karkaar ee Puntland.

Xaflad kooban oo lagula kala wareegayay baabuurta ayaa ka dhacday xarunta wasaaradda, waxaana ka qaybgalay masuuliyiinta Wasaaradda Caafimaadka, Madax ka socotay hay`adda Save the children.

Madaxa Hay`adda Save C/qafaar cilmi Xaange ayaa sheegay in baabuurtan loogu talagalay in wax looga qabto xaaladda caafimaad ee degaanadda gobolka karkaar,mid kamid ah waxa uu yahay kuwa gar-gaarka deg dega ah ee caafimaadka ee loo yaqaano (Ambulance).

Madaxa Hay`adda Save C/qafaar cilmi Xaange

Wuxuu sheeegay in baabuurtan ay qayb ka yihiin Barnaamij ay hay`adu ka wado Puntland oo lagu magacaabo (Change), isagoo intaas ku daray in horay wasaaradda ugu wareejiyeen 6 gaari, kuwaasoo loogu talo galay in loogu adeego dadka abaartu saamaysay ee ku sugan gobolkaas.

“hay`adda save the childre diyaar bay taahay markasta inay la shaqayso wasaaradda caafimaadka, gaar ahaan xiligaan ay dalka ka jirto abaar baahsan” ayuu yiri xaange.

Wasiirka Caafimaadka Puntland Dr C/naasir

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Puntland Dr Cabdinaasir Cismaan Cuuke ayaa ka mahadceliyay deeqda baabuurta ah ee lagu wareejiyay, wuxuuna ballan qaaday in sida ugu wanaagsan loogu adeegi doono shacabka.

Wuxuu sheegay in baabuurtan ay adeegsan doonaan kooxo caafimaad loo diro degaamadda dadku u soo hayaameen ee gobolka Karkaar maalmaha soo socda.

Gabagabadii, Mashruucan loogu magac daray Isbedel (Change) oo ay si wadajir isaga kaashadaan wasaaradda caafimaadka Puntland iyo hay’adda Save ayaa muddo muddo Shan sano ah socday, iyadoo wajigiisii labaad uu bilaabmay sannadkii hore 2016 wuxuuna ku eg 2019, waxaana taageero ka gaysanaya hay’ad laga leeyahay Ingiriiska oo lagu magacaabo DFID taasoo ka shaqaysa arrimaha samafalka.

Horseed Media 2017

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *