Garowe: Diiwaan gelinta doorashada gobolka Nugaal oo dib u dhacday

Published: February 7, 2023
Shares2

Diiwaan gelenta Doorashada goleyaasha degaanka ee gobolka Nugaal oo saaka lagu wadey in laga daahfuro magaalada Garowe ee caasimadda Puntland ayaa baaqatay.

Dib u dhaca Diiwaan galinta doorashada ayaa loo sababeynayaa inuu weli taagan yahay khilaaf gacan ka hadal dhaliyey oo dhacay shaley.

Khilaafkaas ayaa waxaa uu u dhaxeeyey ciidamo diidan diiwaan gelinta doorashada iyo kuwo ilaalo ka haya goob ay ku sugan yihiin hawl wadeenada doorashada.

Ciidamada isku khilaafsan diiwaan gelinta doorshada ayaa qaarkood isku hordhiya goobaha aynqabsoomu laheyd Diiwaan gelinta ee magaalada Garoowe.

Horseed Media