Garowe: Gen. Jimcaale oo kahor yimid Diwaan-galinta ka bilaabmeysa Gobolka Nugaal

Published: February 4, 2023
Shares32

Taliyaha Ciidamada Komandooska Puntland Generaal Jimcaale Jaamac Takar ayaa ka horyimi Diwaan-galinta 7bishan ka bilaami doonta Gobolka Nugaal.

Guurata Ciidankan oo lagu magacaabo DANAB ayaa fadhigoodu yahay duleedka caasimadda Puntland ee Magaalada Garoowe.

Gen. Jimcaale ayaa cadeeyey in aysan Garoowe ka dhici doonin diwaangalin doorasho oo laysku khilaafsan yahay, masuuliyada wixii ka dhashana ay qaadi doonto cidii ku dhaqaaqda.

Sidoo kale Generaalka ayaa sheegay in ay u dhaarteen ilaalinta dastuurka iyo sharafta dadweynaha.

Jimcaale, wuxuu xukumaa ciidamo xoogan oo degan duleedka Garoowe, magaaladana kasoo jeeda, hub xoogan ayaana maalmihii lasoo dhaafay lagu diyaariyey gudaha iyo duleedka magaalada Garoowe.

Horseed Media