Garowe: Hal qof oo ku dhintay israsaaseyn ka dhacday Barxada

Published: November 7, 2023
Shares128

Ugu yaraan hal qof ayaa ku dhintay israsaaseyn maanta ka dhacday Barxada bartmaha magaalada Garowe.

Rasaastan ayaa la rumeysan yahay inay dhexmartay ciidamada mucaaridka ee la baxay Danab & kuwa dowlada oo galbinayey nin Youtuber ah.

Kabtan Ayuub oo caan ka ah baraha bulshada ee Soomaalida ayaa lagu soo dhaweenayey maanta caasimada Puntland.

Qofka dhintay ayaa la sheegay inay tahay gabar shacab ah, isla markaana waxay dhaawacyo soo gaareen askarta labada dhinac.

Dhinaca kale ciidamada Danab ee mucaaridka ku ah xukuumada Madaxweyne Deni ayaa madfac hoobiye ku riday Madaxtooyada, walow aysan cidna wax ku noqon.

Horseed Media