Garowe: Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo magacaabay Taliyayaal ciidan

Published: August 31, 2022

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa magacaabay Taliyayaasha ciidamada Daraawiishta, Asluubta, iyo ku xigeennadooda, sida lagu sheegay wareegto kasoo baxday madaxtooyada Puntland.

Madaxweyne Siciid Deni ayaa Sareeye Gaas Abshir Cabdi Jaamac (London) u magacaabay Taliyaha ciidanka Daraawiishta Puntland, halka Sareeye guuto Xuseen Faarax Aadan loo magacaabay abaan-duulaha ciidanka Daraawiishta.

Sidoo kale Madaxweyne Deni ayaa Taliyaha ciidanka Asluubta iyo xabsiyadda u magacaabay, sareeye guuto, Saxardiid Maxamed Axmed (Colow), halka sareeye guuto Cabullaahi Cismaan Liibaan loo magacaabay ku xigeenka koowaad Asluubta.

Xilka Taliye ku xigeenka labaad ee ciidamada Asluubta Puntland oo aan horey u jirin ayaa Sareeye guuto Cabdulqaadir Axmed-kheyr loo magacaabay.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *