Garowe: Puntland oo goob fagaaro ah ku burburisay khamri & xashiish tira badan

Published: January 25, 2023
Shares22

Magaalada Garowe ee caasimadda Puntland waxaa maanta lagu burburiyay Khamri Gaaraya ilaa 850 Dhalo iyo xashiish Dhan 26 Duub.

Xeer Ilaaliyaha Guud Ee Puntland, Guddoomiyaha Gobolka Nugaal iyo Taliyaha qeybta Booliska Gobolka Nugaal ayaa goobjoog ka ahaa goob fagaaro ah oo lagu burburiyay Khamrigan iyo xashiish ka.

Taliyaha qeybta Booliska Gobolka Nugaal G/Sare Xussen Cali Maxamuud ayaa u mahadceliyay Ciidamadii khamrigan tirada badan iyo xashiishadan shacabka ka soo qabtay.

Taliyaha qaybta Nugaal G/Sare Xuseen Cali ayaa sheegay in Gurigii dambe ee lagu qabto Mandooriye inay dowladu la wareegayso sida Gaadiidkii lagu qabtay Mandooriyahan Dowladdu ula wareegtay.

Horseed Media