Garowe: Xaafiiska Cabashooyinka Ciidanka Booliska Puntland

Published: June 3, 2023
Shares6

Taliye ku-xigeenka 1aad Ciidanka Booliska Puntland S/Guuto Caydiid Axmed Nuur ayaa ka qayb galay Kulan lagu shaacinayay hawl galinta Xaafiiska Cabashooyinka gudaha Ciidanka Booliska Puntland ayaa ka qabsoomay qolka shirarka ee Taliska Ciidanka Boliiska Puntland ee Garoowe.

Kulanka ayaa waxaa kasoo qayb galay Taliye Xigeenka 1-aad ee Ciidanka Booliska, Hoggaanka Qorshaha iyo Tabobarada, Hoggaanka Nabadalkayada Waddooyinka, madax ka socota Degmada Garoowe, Xafiiska Xuquuqul Insaanka Puntland, Qaybta iyo Saldhigga Bartaha Boliiska iyo dhamaan xubnaha Guddiga Cabashooyinka Ciidanka Boliska Puntland.

Xafiiska Cabashoyinka Gudaha Ciidanka Boliska ayaa loo dhisay inay wax ka qabtaan cabashooyinka bulshadu qabto oo laga tirsanayo xafiisyada, Xubnaha iyo Xil hayayaasha ka tirsan Ciidanka Boliska, kadib markii la garawsaday inay jiraan qaybo ka mid ah Bulshada oo aan codkoodu gaari karin madaxda iyo mas’uuliyiintii ay ahayd inuu gaaro.

Haddaba. Si wax looga qabto tacadiyada dhanka ka ah Bulshada ee laga tabanayo shaqada iyo xubnaha Ciidanka Boliska waxaa maanta oo taariikhdu tahay 03/06/2023 si buuxda loo hawl galiyey Xafiiska Guddiga Cabashooyinka Gudaha Ciidanka Boliska Puntland oo ka hawl gali doona Xarunta dhexe ee Taliska Guud ee Garoowe.