Gaza: In ka badan 400 shacab ah oo lagu dilay duqeynta Israa’iil

Published: October 9, 2023
Shares4

Diyaaradaha dagaalka iyo madaafiicda culus ayaa maalintii 3aad duqeyn xoogan ka wada magaalada Gaza, iyadoo ay sii kordheyso tirada dadka shacabka ah ee duqeyntan lagu dilay.

In ka badan 400 shacab ah oo ay ku jiraan ugu yaraan 90 caruur ah ayaa ku dhintey duqeyntan, oo ay Israa’iil si bareer ah ulla beegsaneyso guryaha ay shacabka degen yihiin.

Goobaha la dumiyey ayaa waxaa sidoo kale kamid ah Iskoolada iyo waliba 4 Masaajid oo waaweyn.

Israa’iil ayaa wada abaabulka ciidamo xoogan oo la sheegay inay gaarayaan 100-kun oo ay doonayaan inay kusoo weeraraan gudaha Gaza, marka ay dhameeyaan duqeynta ay hada wadaan.

Dagaalka Gudaha Israel

Waxaa weli socda iska horimaadka u dhaxeeya dagaalyahanada Xamaas oo ay wehliyaan kuwa Islamic Jihad ee labo maalin kahor gudaha u galay qaar kamid ah magaalooyinka Israa’iiliyiinta degen yihiin ee ku dhaw Gaza, waxaana la sheegay in dagaalka uu weli ka socdo 7 goobood oo kala duwan.

Tiradda dhimashada Israa’iiliyiinta ayaa illaa iyo hada la xaqiijiyey 600 balse waxaa la rumeysan yahay inay ka badan tahay 1000 sida ay sheegayaan warar maanta oo Isniin ah laga helayo dhanka Israa’iiliyiinta.

Goob ay ka socotay xaflad oo ay ciidamada Xamaas galeen ayaa la sheegay in laga helay ugu yaraan 260 Israa’iiliyiin ah oo kamid ah dadkii damaashaadka u soo aaday xaflada heeso xili Israa’iiliyiinta u dabaaldegayeen mid kamid ah ciidahooda.

Maxaabiista Xamaas heysato

Xamaas ayaa sheegtay inay gacanta ku heyso in ka badan 100 Israa’iiliyiin ah oo ay kasoo qabteen magaalooyinkii ay galeen, kuwaasi oo ay ku jiraan Askar iyo waliba Saraakiil sare.

Maxaabiistan ayaa la rumeysan yahay in lagu kala hayo goobo kala duwan ee gudaha magaalada Gaza ah.

Arrintan ayaa la sheegayaa inay caqabad ku noqon karto duulaanka dhulka ah oo ay Israa’iil qorsheenayso inay ku qaado Marinka Gaza.

Horseed Media