Gaza: Isgaarsiinta oo hawada kusoo noqotay, tirada duqeynta lagu dilay oo kor u dhaaftay 8000

Published: October 29, 2023

Waxaa saaka oo Axad ah dib hawada ugu soo noqday isgaarsiinta internet iyo telefonada gacanta, walow tayada isgaarsiinta oo daciif ah ka shaqeynayso kaliya koonfurta Gaza.

Israel duqeynteeda oo weli sii socota ayaa waxa shacabka ku dhintay ay hada kor u dhaafeen 8000 qof, xili uu Raysalwasaaraha Israel Benjamin Netanyahu uu sheegay in hawlgalkooda uu galay wajigiisii labaad, balse faah faahin kama bixin waxa uu yahay wajiga labaad.

Ciidamada Israel ayaa habeenadii lasoo dhaafay isku dayey inay gudaha u galaan qeybo kamid ah Waqooyiga iyo bartamaha Gaza, iska caabin ay kala kulmeen dagaalyahanada Xamaas ayaa la sheegay inay dib uga noqdeen halkaasi. Waxayna ciidamada Israel laba jibaareen duqeyntooda dhanka cirka.

Ururka Xamaas ayaa dhinaca kale sheegay inay diyaar u yihiin inay siidaayaan qeyb kale oo kamid ah dadka shacabka ah ee gacanta ku hayaan oo ajaanibta ah, balse ay siideyntaasi caqabad ku noqotay duqeynta xoogan ee ka socota dhulkaasi.

Xamaas ayaa u balan qaaday Dowlada Ruushka inay sii deyn doonaan muwaadiniinta dhalashadooda heysta, kadib wadahadal dhexmaray xukuumada Putin iyo wafdi ka socday Xamaas oo maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaa Moscow.

Horseed Media