Gaza: Israel oo duqeyn xoogan la beegsatay isbitaalka Kamal Adwan

Published: December 5, 2023

In ka badan 100 ayaa saacadihii lasoo dhaafay ku dhintay duqeynta Israel ku wado nawaaxiga isbitaalka Kamal Adwan ee waqooyiga Gaza.

Duqeynta ku socota Kamal Adwan ayaa socotay illaa xalay, iyadoo rasaas lala beegsaday dadka shacabka ee ku sugan isbitaalka kuwaasi oo isku dayey qaarkood inay halkaasi isaga cararaan.

Ciidamada Israel ayaa sidoo kale duulaan xoogan ku wada Koonfurta Gaza oo ay ku sugan yihiin in ka badan 2 milyan oo qof oo ay ku jiraan dadkii horey uga soo qaxay waqooyiga Gaza.

Israel oo ay khasaaro militari kasoo gaartay dagaalada fool ka foolka ah ee ka socda waqooyiga iyo bartamaha Gaza, ayaa xooga saareysa inay duqeyso goobaha shacabka si ay u ciqaabto dadka rayidka ah.

Amar kasoo baxay ciidamada Israel ayaa loogu sheegay shacabka inay isaga baxaan magaalooyinka Khan Yunis iyo Rafax ee koonfurta Gaza, isla markaana u qaxaan dhulka lama degaanka ah ee koonfurta Gaza.

Israel ayaa sidoo kale ku amartay hay’ada Caafimaadka Dunnida ee WHO inay baneyso bakhaaradeeda kaydka daawooyinka ee ku yaal koonfurta Gaza, sida uu xaqiijiyey Madaxa WHO.

Arrintan ayaa u muuqata mid ay Israel dooneyso inay gebi ahaan Gaza uga saarto shacabka Falastiiniyiinta oo ay ka dhigto goob lama degaan ah, taasi oo ay horey ugu hanjabeen xubno ka tirsan maamulka xagjirka ah ee Israel.

Horseed Media