Gaza: Qeybtii 3aad ee maxabiista lasii daayey iyo maalintii ugu danbeysay ee xabad-joojinta

Published: November 27, 2023

Maamulka Xamaas ee Gaza ayaa xalay siidaayey qeybtii 3aad ee Israa’iiliyiinta ay soo qabteen dagaalyahanada Falastiin 7dii Oktoober.

Dadka lasii daayey ayaa ahaa 13 Israa’iiliyiin ah, 3 nin oo u dhashay Thailand iyo muwaadin Ruush ah.

Xamaas ayaa sheegtay inay siideysay muwaadinka Ruushka kadib markii uu sidaa ka codsaday Madaxweynaha Ruushka Putin.

Tiradda guud oo ay Xamaas siideysay ayaa hada gaareysa 63 qof, waxaana horey loo sheegay inay qafaasheen in ka badan 200 qof.

Xamaas weli masiideyn maxaabiista Askarta ah oo ay ku qabsadeen dagaalkii 7dii Oktoober.

Israel ayaa iyaduna xalay siideysay 39 dhalinyaro reer Falastiin ah oo ay xabsiyada ku heysay. Dhalinyaradaasi oo intooda badan aan wax danbi ah gelin.

Maanta oo Isniin ah ayey ku egtahay xabad-joojintii koobneyd ee 4ta maalin ahayd.

Waxaa socda dadaalo lagu doonayo in wakhti dheeraad ah lagu daro xabad-joojinta.

Wafdi ka socda Qatar ayaa ku sugnaa maalmihii lasoo dhaafay maamulka Israel.

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden oo xalay hadlay ayaa isaguna sheegay inuu taageersan yahay in wakhti dheeraad ah lagu daro xabad-joojinta.

Horseed Media