Gaza: Tirada Dadka Ku Dhintay Weerarada Isreal oo Kordhay

Published: November 13, 2019

Ciidamada Isreal ayaa maalintii labaad duqaymo xoog leh ka fulinaya marinka Gaza ee dhulka la haysto ee Falastiyiinta.

Saraakiisha caafimaada ee Gaza waxay sheegeen in tirada dadka ku dhintay weerarada Isreal ay kor u dhaafeen 22 qof. iyadoo Isreal ay ku hanjabtay inay Labo jibaari doonto weerarada dhinaca cirka ah ay ku qaadayso Gaza.

Ciidamada Difaaca ee Isreal waxay sheegeen in Kooxda Islaamiyiinta ee Jihaad ay ku soo ridden Isreal in badan 200 Gantaal.

Weerarada Isreal ayaa bilowday ka dib markii ay duqayn ku dileen Taliye Sare oo ka tirsanaa kooxda Jihaad oo lagu magacaabi jiray Bahaa Abu el-Atta. Ururka Jihaadi Islaami ayaa dilka taliyahooda kaga jawaabay gantaalo ay ku tuuraan dhinaca Isreal.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *