Gaza:Israel Oo Duqayn Ku Dishay Sarkaal Sare Oo Ka Tirsan Kooxda Falastiniyiinta ee Jihad

Published: November 12, 2019

Ugu yaraan 5 qof ayaa ku geeriyootay Weerar dhinaca cirka ah oo diyaaradaha Israel ku qaadeen marinka Qasa ee dhulka Falastiiniyiinta , dadka la dilay waxaa ku jira Sarkaal sare oo ka tirsanaa kooxda reer Falastiin ee Jihad oo sidoo kale lagu dilay weerar kale oo Isreal qaaday, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee Qasa.

Sarkaalkan oo lagu magacaabi jiray Baha Kabul Al-ata ayaa geeriyooday ka dib markii Gantaal ay soo tuurtay diyaarad Israel leedahay uu ku dhacay dabaqa labaad ee dhismo uu deganaa, waxaa sidoo kale duqayntaas ku geeriyiootay Xaaskiisii, sidoo kale afar caruur ah oo uu dhalay iyo dadkii deriska la ahaa ayaa weerarkaas ku dhaawacmay.

Ra’isul Wasaaraha Isreal Benyamin Netanyahu ayaa soo dhaweeyay geerida Sarkaalkaas .

Ururka Falastinitiinta ee Jihaad ayaa kaga jawaabay dilka Sarkaalkooda, 150 gantaal oo ku tuuray dhinaca Isreal, 17 qof oo yuhuud ah ayaa ku dhaawacmay gantaalahaasi.

Muuqaal lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinayay Mid ka mid ah gantaalaha ay Falastiniyiintu ku tuureen dhinac Isreal oo ku dhacay wado mashquul badan.

Dhinaca kale, Weerar kale oo Diyaaradaha Israel Ku qaadeen magaalada Dimishiq ee Siiriya waxa ay ku dileen labo qof oo Falastiyiin ah, 10 qof kalena dhaawacyo ka soo gareen weerarkaas. Mid ka mid ah dadka la dilay waxaa la rumaysan yahay inuu ka tirsan yahay ururka Jihaad ee falastiin.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *