Gedo: Dowlada Soomaaliya Oo $100,000 Gaarsiisay Dadka Abaaruhu Saameeyeen

Published: March 16, 2021

Wafdi ka socda dowladda Soomaaliya ayaa maanta deeq lacageed oo biyo dhaamin loogu sameynayo dadka ay saameeyeen abaaraha gaarsiisay magaalada Garbahaareey ee xarunta gobolka Gedo.

Wafdiga uu hogaaminayo Wasiirka gargaarka iyo maareynta musiibooyinka Soomaaliya oo uu wehliyo wasiirka warfaafinta Soomaaliya ayaa maamulka Garbahaareey ku wareejiyay lacag dhan boqol kun (100,000) oo doollar sidoo kale hey’adda Strong together ayaa dhankooda gaarsiiyay boqol kun (100,000) oo dollar, lacagtaas oo ay iska soo aruuriyeen qurbajoogta Soomaaliyeed.

Wasiir ku-xigeenka arrimaha gudaha Jubbaland, Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen ayaa sheegay in abaarta ka jirta gobolka Gedo ay dhibaato xoog leh u geysatay bulshada.

Khadiija Maxamed Diiriye, Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Soomaaliya ayaa sheegtay in dowladda gurmadkaan ugu talagashay inay uga jawaaabto baahiyaha dadka abaaraha ay saameeyeen.

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Cusman Abuukar Dube ayaa ugu baaqay bulshada Soomaaliyeed in laga wada qeybqaato gurmadka loo fidinayo dadka saameynta nololeed ku yeelatay abaartu.

Gobolka Gedo ayey si xoog leh ugu dhufatay abaartu, waxaana cuno yari iyo biyo la’aan soo wajahday 2.5 Milyan oo Soomaaliyeed, sida ay sheegeen guddiga gurmadka abaaraha dalka.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *