Gedo: Qaraxyo Lagu Weeraray Xero Ciidamada Lagu Tababaro

Published: June 21, 2023

Qaraxyo khasaare gaystay ayaa maanta barqadii lagu weeraray xero ciidamada lagu tababaro oo ku taalla degmada Baardheere ee gobolka Gedo.

Qaraxyada oo loo adeegsaday laba gaari oo laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa, ayaa lagu soo waramayaa inay gaysteen khasaare dhimasho iyo dhaawac.

Xerada la weeraray ayaa waxaa maalmahan lagu tababarayay ciidamo la sheegay in ay weerari doonaan Jubada Dhexe oo ay gacanta ku hayaan maleeshiyada Al-Shabaab.

Mas’uuliyada weerarka ayaa waxaa sheegtay kooxda Al-Shabaab.

Horseed Media