Gen Asad Cismaan oo Laascaanood lagu soo dhaweeyey -SAWIRO

Published: August 26, 2023

Kadib markii maalntii Jimacada ciidamada maamulka SSC ay ku guuleysteen dagaalkii socdey mudada sideeda bilood ah, ciidamada Somaliland la dhaafiyey in ka badan 90km ayaa waxaa Laascaanood maanta gaarey Gen Asad Cismaan Cabdullaahi iyo wefdi kale oo uu ka mid yahay Suldaan Siciid Maxamed Garaase.

Jananka waxaa ku soo dhaweeyey Laascaanood maamulka dhawaan loo dhisey halkaas, isimada iyo golaha dhexe ee SSC.

Gen Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa qaybweyn ka qaatey halganka lagu xoreeyey goolka Sool, waxaana uu dhamaadkii sanadkii 2022 Boosaaso ku casumey Cali Xirsi Cartan Boos (Afgaab) oo ka mid ahaa raggiiiska lahaa dhimbishii u horeysey ee halganka kuna nafwaayey isla bilowgii, tan iyo bishii janaayo 2023 ayuu garab taagnaa isaga oo halkaaas u direy ciidamo iyo gaadiid dagaal.

Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil oo ka hadlaayey dhismihii maamulka SSC ayaa khudbadiisi ugu mahadceliyey Gen Asad Cismaan Cabdullaahi oo uu ku tilmaamey in uu halganka wax ku darsadey.

M Somaliland oo u horeeyo Madaxweyne Muuse Biixi iyo hoggaamiyaasha xisbiyada mucaaradka ayaa marar badan soo qaatey magaca Gen Asad oo ay ku sheegeen in uu qayb ka yahay dagaalka.

Si kastaba waxaa hadda laga shaqeynayaa sidii loo maareyn lahaa guusha weyn ee la gaarey.

Horseed media