Gen.Biixi: “76 ayaan ka dilnay Alshabaabkii soo weeraray Bariire iyo Awdheegle

Published: April 3, 2021

Taliyaha Ciidanka Dhulka Soomaaliyeed General Maxamed Tahliil Biixi oo la hadlay Warbaahinta dowladda ayaa sheegay Ciidamada xoogga dalka ay jab xooggan gaarsiiyeen Alshabaab dagaalkii saaka ka dhacay Shabeelaha Hoose.

Gen,Biixi

Taliyaha ayaa sheegay in 76 dagaalamayaal ka tirsan Alshabaab lagu dilay dagaalkii ka dhacay saaka deegaanada Bariire iyo Aw-dheegle ayna jiraan dhaawacyo badan.

Waxa uu sheegay in Ciidamada ay wadaan howlgalo lagu baacsanayo Firxadka xoogaga Alshabaab ee dagaalka gaadmada ah saaka kusoo qaaday deegaanada Bariire iyo Awdheegle sida uu hadalka u dhigay.

Ciidamada Xoogga dalka

Taliyaha Ciidanka Dhulka Soomaaliyeed General Maxamed Tahliil Biixi ayaa dhinaca kalena beeniyay War Alshabaab ay baahiyeen kaasoo sheegaya in Hub badan ay ku furteen dagaalka jabna gaarsiiyeen ciidamada dowladda isla markaana la wareegeen gacan ku haynta deegaanka Bariire.

Alshabaab ayaa maalmihii ugu dambeeyay kordhiyay dilalka iyo weerarada ay geysanayaan xili ay soo dhowdahay Bisha Barakeysan ee Ramadaan oo ah xiliyada ay aad u kordhiyaan weerarada iyo dilalka.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *