Gen. Biixi Oo Sheegay In Lasoo Afjaray Dagaalkii Argagixisada Ee Gobolka Mudug

Published: August 2, 2021

Taliyaha ciidanka dhulka xoogga dalka Soomaaliyeed Generaal Maxamed Tahliil Biixi oo isagoo uu garab taagan yahay wasiirka amniga Galmudug shir jaraa’id ku qabtay duleedka deegaanka Qeycad ee gobolka Mudug ayaa ku dhawaaqay in la soo afjaray dagaalkii aaggaas ka socday ee lagula jiray maleeshiyada Al-Shabaab, wuxuuna sidoo kale sheegay inuusan jirin aag dagaal oo ka sokeeya Xara-dheere.

Generaal Biixi ayaa tilmaamay in dagaalka uu soo socday muddo bil ah, islamarkaana argagixisada meelo badan oo ka tirsan gobolka Mudug looga saaray, kuwaas oo hadda firxadkooda uu gaaray degmada Xarardheere.

Ciidamada Xoogga dalka ayaa dagaalkii ugu dambeeyay ee maanta ku qabsaday Qoryo ka badan 20, qalab isgaarsiinta, raashin, dharkii dumarka ee argagixisadu isku qarin jireen, godadkii ay ku gabban jireen, iyagoo soo bandhigay meydadka argagixisada ay ka carareen. Ciidamada ayaa hadda ku sii daba jira haraadigoodii maleeshiyada Al-Shabaab.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *