Gen. Farxaan Qaroole, taliyihii ciidanka booliska gobolka Banaadir oo qarax miino lagu diley

Published: September 30, 2022
Shares68

Warar hadda soo gaarey Horseed media ayaa sheegaya in rabbi ha u naxariistee taliyihii ciidanka booliska gobolka Banaadir Gen. Farxaan Maxamuud Qaroole maanta oo jimce ah qarax lagula eegtey gaarigiisi meel ku dhaw deegaanka Basra oo ciidamada dowladdu dagaal kula wareegeen.

Wararku waxay sheegayaan in Gen. Farxaan uu isla goobtaas ku nafbaxay, waxaana la geeriyoodey qaar kamid ah ilaaladiisi gaariga la saarnaa.

Farxaan ayaa sudoo kale ahaa taliyihii ciidanka Haramcad, waxana bishii Abril 2021 loo magacaabey taliyaha ciidanka booliska gobolka banaadir.

Deegaanka Basra ayaa ah goob istraatiiji ah oo muhimad weyn u lahayd al-Shabaab, waana halka ay isaga kala gudbi jireen ilaa saddex gobol ayna ka soo abaabuli jireen hawlagalada ay ka fuliyaan caasimadda.

Horseed media