Gen. Galaal oo kamid noqdey dadkii lagu diley weerarkii Hotel Afrik

Published: February 1, 2021

Ugu yaraan 5 qof oo rayid ah iyo saddex askeri ayaa kooxda al-shabaab ku dileen weerar ismiidaamin lagu bilaabey oo maalintii Axadda ka dhacay Hotel Afrik magaalaada Muqdisho.

Kadib markii uu gaarigu ku qarxay halka laga galo Hotelka ayaa afar nin oo al-Shabaab ah gadaal uga soo daateen Hotelka, kuwaas oo markii danbe Hotelka lagu dhex diley.

Dadka lagu diley Hotelka waxaa kamid ahaa Gen. Galaal oo kamid ahaan jirey saraakiishii hore ee Ciidankii Soomaaliya, kaas oo tababaro ku soo qaatey dalalka Talyaaniga iyo Ruushka, aadna ugu dhawaan jirey Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Siyaad Barre (AUN) intii uu xilka hayey.

Madaxweyne Farmaajo ayaa tacsi ka direy dadkii rayidka ahaa ee lagu diley weerarka waxaana uu si gaar ah uga tacsiyeeyey Gen. Galaal.

Muddooyinkii danbe waxaa hoos u dhacay weerarada caynkan oo kale ah, waxaana la aaminsan yahay in al-Shabaab ay fursad ku heleen xaaladda cakiran ee doorashada ee dalka ka taagan.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *