Gen. Odowaa Oo Xilka Ku Wareejiyey Taliyaha Cusub Ee Ciidanka Xoogga Dalka

Published: June 24, 2023

Wasiirka Wasaaradda Gaashandhigga Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa maanta xilalka u kala wareejiyey Taliyaha cusub ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Ibraahim Sheekh Muxiyadiin iyo Taliyihii hore Jeneraal Odawaa Yuusuf Raage.

Wasiirka ayaa sidoo kale xilalka u kala wareejiyay Taliyihii hore ee ciidanka dhulka Jeneraal Maxamed Tahliil Biixi iyo Taliyaha cusub Jeneraal Axmed Aadan Cali.

Madaxweynaha JFS ayaa dhowaan magacaabay Taliyaha Ciidanka Xoogga iyo Taliyaha Ciidanka Dhulka,iyadoo dhinaca kale uu dardar xoog leh ku socdo qorshaha dib u xoraynta dalka Wejigiisa labaad.

Horseed Media