Golaha Wasiirrada Xukuumadda JFS, oo caawa yeeshay kulan degdeg ah ayaa ansixiyey soo jeedinta Wasaaradda Gaashaandhigga…
Golaha Wasiirrada Xukuumadda JFS, oo caawa yeeshay kulan degdeg ah ayaa ansixiyey soo jeedinta Wasaaradda Gaashaandhigga ee magacaabista Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed oo loo magacaabay S/Gaas Odowaa Yusuf Raage, si loo dardargeliyo difaaca dalka iyo ciribtirka kooxaha Khawaarijta.
Gen, Odowaa Yuusf Raage oo si weyn loogu xasuusto mudadii uu ahaa hogaanka ciidanka guulihii ay gaareen iyo xoraynta deegaano badan ayaa horey xilkan looga qaaday sanadkii hore 19 Juun 2023.
Sidoo kale Taliye Odowaa ayaa kamid ah saraakiisha da’yarta ah ee loo bogay aqoonta iyo xirfadda ay u leeyihiin la-dagaalanka argagixisada iyo kacdoonadii bulshada ku garab-istaagtay dadaaladaasi.
Horseed Media