Germany oo sare u qaadeysa Tayada Ciidamadooda

Published: February 27, 2022

Raysalwasaaraha Germany Olaf Scholz ayaa maanta kulan deg deg ah oo uu Baarlamaanka dalkaasi yeeshay kaga dhawaaqay in Jarmalka uu sare u qaadayo dhaqaalaha uu ku bixiyo ciidamadooda.

Olaf Scholz ayaa sheegay in 2% dakhliga Dowlada Germany in ka badan 100 bilyan oo dollar la gelin doono sare u qaadida tayada ciidamada Germany oo kamid ah xulafada NATO, go’aankan oo yimid kadib duulaankii uu Ruushka ku qaaday Ukraine.

Dowlada Jarmalka ayaa sheegtay inay dooneyso inay gaarto isku filnaasho dhameystiran oo dhanka difaaca dalkooda ah.

Raysalwaasaraha Jarmalka ayaa sheegay in dagaalkan uusan ahayn mid u dhaxeeya dadka Ruushka iyo iyaga balse yahay dagaal uu iskiis u bilaabay Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *