Germany oo tallaalka Covid19 ugu deeqday Soomaaliya

Published: October 27, 2021

Soomaaliya waxay sare u qaaday dagaalkeeda si loo soo afjaro cudurka COVID-19 kadib markii ay 163,000 oo tallaal oo Oxford/AstraZeneca ah ka heshay Dowladda Jarmalka Talaadadii iyadoo la soo marsiiyay mashruuca COVAX.

Dowladda Jarmalka waxa ay Soomaaliya u fidisay taageerada qaaliga ah ee la dagaallanka COVID-19, waana uga mahadcelineynaa arrintan,” ayay tiri Dr. Fawziya Abiikar Nuur, Wasiirka Caafimaadka iyo Adeegga Aadanaha ee Soomaaliya.

Ilaa hadda, 1.85% dadkeena ayaa si buuxda looga tallaalay COVID-19. Taageerada Jarmalka, waxaan kor u qaadi karnaa dadaalkeena si aan u hubinno in Soomaali badan oo xaqa u leh ay helaan tallaalka naftooda lagu badbaadinayo.

Waxaan si adag u garab taaganahay Soomaaliya si aan uga ilaalino dadkeeda COVID-19,” ayay tiri Sascha Kienzle, ku xigeenka safiirka Soomaaliya.

Bishii Agoosto 2021, Dowladda Jarmalku waxay ugu deeqday Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO) ilaa 1.3 milyan oo waji-xidhka wajiga ah si ay Soomaalidu u isticmaalaan oo ay uga badbaadaan COVID-19 iyo cudurrada kale ee faafa.

Deeq-bixiyeyaasha, sida Dowladda Jarmalka, waxay door muhiim ah ka ciyaarayaan qorshaha jawaabta COVID-19. Si wadajir ah Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo UNICEF, WHO waxa ay taageereysaa dadaallada tallaalka,” ayuu yiri Dr Mamunur Rahman Malik, Wakiilka WHO ee Soomaaliya.

Ka sokow shaqaalaha safka hore, dadka da’doodu ka weyn tahay 50 jir iyo kuwa hore u lahaan jiray xaalado caafimaad ayaa weli ah in mudnaanta la siiyo tallaallada. Soomaaliya waxay sidoo kale siinaysaa tallaallo dhammaan dadka da’doodu tahay 18 sano iyo wixii ka weyn.

Tan iyo markii uu dillaacay COVID-19 bishii Maarso 2020, Soomaaliya waxaa laga soo sheegay 21,998 oo uu cudurka COVID-19 ku dhacay, oo ay ku jiraan 1208 dhimasho ah, laga soo bilaabo Oktoobar 25, 2021.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *