Giriiga oo diiday inuu Tarxiilo Saraakiil Turki ah – VIDEO

Published: January 27, 2017

Maxkamada Sare ee dalka Giriiga ayaa Khamiistii shalay go`aan ku gaartay inaan la tarxiili Karin 8 sarkaal oo ka tirsanaa Ciidanka Turkiga oo iska dhiibay wadankaasi.

Dowlada Turkiga ayaa horey uga codsatay Giriiga in dib loogu soo celiyo 8da sarkaal ee la baxsaday diyaarad helikobter ah kadib inqilaabkii fashilay ee bartamahii sanadkii horey ka dhacay dalka Turkiga.

Saraakiishan ayaa magangelyo siyaasadeed weydiistay dowlada Giriiga iyagoo sheegay in naftooda ay khatar ku jirto hadii dib loogu celiyo Turkiga.

Xukuumada Giriiga ayaa horey diyaarada ugu celisay Turkiga balse dib u celinta saraakiisha u gudbisay maxkamada Giriiga.

Go`aanka Maxkamada Giriiga ayaa waxaa si weyn uga carooday dowlada Turkiga oo sheegtay in go`aankan uu saameyn ku yeelan doono xiriirka labada dal.


Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *