Go’aamo ka soo baxay shirkii Wasiirada Maaliyadda (Akhriso)

Published: August 14, 2023

Shir ay isugu yimaadeen Wasiirrada Maaliyadda Xukuumadda Federaalka iyo Dowladdaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka iyo Maamulka Gobolka Banaadir ayaa lagu soo gebagebeeyey magaalada Muqdisho, Shirka ayaa looga wada hadlay arrimaha hortabinta u leh maamulka maaliyadda dalka.

Wasiirradu waxa ay shirkooda diiradda ku saareen arrimaha horumarinta hannaanka maaliyadda dalka, kor u qaadida dakhliga gudaha, dayn cafinta iyo qoondeynta deeqda kabka miisaaniyadeed (DPO) ee Bangiga Adduunka, waxayna heshiis ka gaareen qodobada hoos ku xusan:

1) Ansixinta soo jeedinta talada guddiga farsamada ee midaynta canshuurta toosan (income tax bill).

Shirku wuxuu si buuxda isugu raacay midaynta canshuurta toosan ee ku faahfaahsan jadwalka hoos ku xusan. Waxaa sidoo kale la isku raacay in la dar-dar galiyo ansixinta hindise-sharciyeedkaan ka hor 2024, si loogu dhaqan galiyo ku talo-galka qoondada miisaaniyad sanadeedka 2024 ee Dawladda Federaalka ah, Dawladaha xubnaha ka ah.

2) Mideynta Tacriifadda furdooyinka dalka

Waxaa lagu heshiiyay in dalku yeesho tacriifo midaysan (Single tariff rate) oo dalka oo dhan laga dhagan-galinayo sida ugu dhakhso badan waxaana loo xilsaaray guddigea farsamada in ay kasoo talo bixiyaan.

3) Wadaagga Lacagaha Bangiga Adduunka (DPO-2)

Kulanka waxaa lagu soo bandhigay warbixinta is qiimeynta (self assessment) Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka (DXDFS) iyo natiijooyinka kasoo baxay dib-u-eegista warbixinadaas, iyadoo sugnaanta dhanka (Hal-beegga Dakhliga) laga xaaqiijiyay Xafiiska Xisaabiyaha Guud. Waxaa lagu heshiiyay in wadaagga deeqda kabka miisaaaniyadeed ee diyaarka ah taas oo lagu saleeyo habraacii ku xusnaa heshiiskil 11-ka bishii Janaayo 2023.

4) Baarista Gudaha — Internal Audit

Madaxa Waaxda Barista Gudaha ee Wasaaradda Maaliyadda DFS, ayaa warbixin ka siiyey shirka howlaha hortabinta leh ee hanti-dhowrka gudaha iyo baahida loogabo in la xoojiyo tayada shaqada iyo waajibaadka baarista gudaha (Internal Audit). Waxaa la isla-gartay in la abuuro guddi-hoosaad u xil saaran baarista gudaha oo Ka tirsan Guddigga Farsamada ce Federaalaynta Maaliyadda (IGFFTC).

5) Mashruuca SERP

Kulanka waxaa looga warbixiyay mashruuca SERP halka uu marayo iyo goorta la filayo in uu si buuxda u bilawdo, iyadoo la isla qaatay in la dar-dar galiyo dhammaystirka howlaha iyo habraacyada qabyada ah sida ugu dhakhso badan. Waxaa sidoo kale la isla gartay in munaasabada daahfurka mashruca la qabto bisha September 2023.

Shirka waxaa ka maqan Puntland oo aan ka qabgelin dhamaan shirarkii u danbeeyey, kadib khilaaf u dhexeeyey dowladda federaalka iyo Puntland kaas oo aan weli la isaga imaan xalna loo helin.

Horseed Media