Guddiga Xalinta qiima-dhaca iyo xasilinta suuqyada Puntland oo uu Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni,u saaray Arrimaha…
Guddiga Xalinta qiima-dhaca iyo xasilinta suuqyada Puntland oo uu Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni,u saaray Arrimaha Sicirka Sarifka oo galabta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Garoowe ayaa soo saaray go’aamadan kala ah:-
– Cashuurta Dekadda oo lagu qabto 20% Shillin Soomaali.
– Shaqaalaha oo mushaharka lagu siiyo 20% Shillin Soomaali.
– Adeegyada Lacagta mobile-ka (Sahal iyo E-Dahab) oo sidoodii lagu celiyo.
– Sariflayaasha waa inay ruqsad haystaan.
– Cashuuraha Dowladdaha hoose oo Shillin Soomaali lagu qaadayo.
– Sarifka oo uu jaangoynayo lana soconayo Bangiga Dowladda.
– Kalsoonida isticmaalka Shillin Soomaaliga oo ay kawada shaqeynayaan Dowladda iyo Ganacsatada.
– Lacagaha ku badan Suuqa ee Shillin Soomaaliga ah oo lagu xereeyo Bangiga Dowladda, iyo in la mamnuucay lacag Loo kala raro Gobolada.
Hoos ka daawo:
Horseed Media