Go’aamo laga soo saaray shaqaaqadii la xiriirtay arimaha doorashada ee ka dhacday Garoowe

Published: May 27, 2023

Waxgaradka gobolka Nugaal ayaa go’aamo ka soo saaray shaqaaqadii dhowaan ka dhacday Garoowe ee sababtay dhimasho, dhaawac iyo inay doorashada ka qabsoomi weydo caasimadda iyo laba degmo.

 Warsaxafadeed ay soo saareen Guddiga ayaa lagu in go’aamiyey in la qabto doorashada golayaasha deegaanka ee Garoowe, Dangorayo iyo Godobjiiraan.

Sidoo kale waxaa ay sheegeen in aan la farogelin Dastuurka iyo Doorashada Madaxtinimo ee dhaceysa 8-da Jenuary ee sanadka soo socda.

Qodobada kale Warsaxafadeed lagu sheegay waxaa kamid ah in ciidamada laga saaro Magaalada Garowe, isla markaanna lagu celiyo fadhiyadoodii difaaca.

Horseed Media