Go’aan Kasoo Baxay Guddiga KMG Doorashooyinka Puntland

Published: June 14, 2020

Warqad kasoo baxday guddiga kumeelgaarka doorashooyinka Puntland ayaa muddo bil ah dib loogu dhigay shirweynaha ururadda siyaasadda Puntland, maadaama xanuunka COVID19 kusoo laba-kacleeyey deegaanada Puntland.


Guddiga doorashooyinka ayaa sheegay inay go’aankan gaareen kadib kulan ay wada yeesheen guddiga kahortagga COVID19 ee Puntland, Waxayna ka wada hadleen si loo hakiyo shirweynaha ururada qiimaynna loogu sameeyo heerka uu marayo xanuunku, Waxaana Ururadda Siyaasadda Puntland loogu baaqay ilaa 08/july/2020 inuu urur kasta kusoo dhamaystiro xiliga iyo taariikhda shirweynihiisa, tirada dadka kasoo qaybgali doona iyo goobta lagu qabanayo.

Hoos ka akhriso warqadda:

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *