Go’aankii Deni ee Doorashada Puntland, mid soo daahay oo lama huraan ahaa!

Published: December 7, 2023

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullahi Deni ayaa ugu danbeyn xalay ku dhawaaqay inuu diyaar u yahay in Doorashada Puntland xiligeeda ku dhacdo iyadoo loo noqonayo nidaamkii horey u jiray ee Baarlamaanka.

Go’aankan Deni ayaa kusoo beegmay saacado kadib markii Guddigii Issimada SSC-Khaatumo ay soo saareen soo jeedinta xalinta khilaafka doorashooyinka Puntland, iyagoo soo jeediyey in Baarlamaanka hada jira soo doorto Madaxweyne iyo Madaxweyne kuxigeenka.

Issimada ayaa sidoo kale soo jeediyey in 12 bilood kadib la qabto doorashada Baarlamaanka Puntland oo ku dhaceysa nidaamka xisbiyada ama codka shacabka.

Taladda Issimada Khaatumo ayaa taageerayey talooyinkii horey loogu soo jeediyey Madaxweynaha Puntland ee ka yimid Issimada Puntland, Ganacsatada iyo Culumadda, walow Madaxweynuhu horey talooyinkaasi u qaadacay.

Isku daygan issimada Khaatumo ayaa ahaa kii ugu danbeeyey oo lagu baajin karay isku dhac ka dhasha doorashooyinka Puntland.

Madaxweyne Deni ayaa khudbadiisii xalay si weyn ugu duray go’aanka issimada Khaatumo oo uu ku tilmaamay mid khaldan oo ay gacmo kale ku jiraan, isagoo sheegay inuu aqbalay in doorashada xiligeeda dhacdo balse lasoo doorto 66 Xildhibaan oo cusub ee Baarlamaanka Puntland.

Puntland iyo SSC-Khaatumo
Issimada ayaa go’aankooda sidoo kale xal ugu raadinayey arrinta kala saarida maamulada Puntland iyo SSC-Khaatumo.

Baarlamaanka Puntland ayey hada ku jiraan xildhibaano badan oo laga soo doorto Sool iyo Buuhoodle, waxayna issimada horey u sheegeen inaysan soo magacaabi doonin xildhibaanadaas, kadib dhismihii maamulka SSC-Khaatumo, arrintaasi oo caqabad ku noqonaysa dhismaha Baarlamaan cusub ee Puntland oo ka kooban 66.

Tani ayey ku xaliyeen in Baarlamaanka hada jooga soo doorto Madaxweynaha iyo kuxigeenkiisa, si dowlada danbe fursad ugu hesho dhameystirka nidaamka xisbiyada iyo Mashruuca lagu kala saarayo awood-qeybsigii hore ee shacabka Puntland.

Deni ayaa isagu doonayey in wakhti loogu daro balse taasi waxaa si cad uga horyimid mucaaridka.

Fursadihii Deni iyo wakhtigii kalumay
Madaxweyne Deni oo lagu amaanay xiligii uu xilka qabtay inuu dar dar geliyey dhismaha nidaamka Xisbiyadda baddan, inkastoo dadaalkaasi uu hoos u dhigay kadib natiijooyinkii kasoo baxay doorashooyinka Golayaasha deegaanka.

Arrintaasi oo si weyn u dhaawacday nidaamkii la isla ogolaa ee Doorashooyinka, waxaana wakhti kale oo dheeraad ah kasii dhumiyey Madaxweynaha tartankii uu u galay doorashada Federaalka oo hakad ku keentay hawshii dowlada Puntland.

Doorashada Puntland waxaa caado u ah inay mar walba dhacdo 8da Janaayo, waxaana horey u fashilay iskudayo badan oo Madaxweynayaashii soo maray Puntland isku dayeen inay wax ku darsadaan, waxaana u danbeeyey Deni oo hada aqbalay in xiligeeda dhacdo.

Shacabka Puntland ayaa intooda badan taageersan nidaamka xisbiyada badan hase yeeshee waxaa la isku khilaafsan yahay wadada loo marayo.

Mucaaridka Deni ayaa aaminsan in dowlada hada joogta iyadu lugaha qabatay doorashadii Cod iyo Qof, kadib markii wakhtigii ku dhumisay doorashadii Federaalka iyo khilaafyadii ay ka dhex abuurtay degmooyinkii looga guuleystay Golayaasha Deegaanka.

Horseed Media