Gobolada Sanaag iyo Haylaan oo laga daahfurey Diiwaangelinta wajiga 2-aad ee codbixiyayaasha

Published: January 31, 2023
Shares24

Gobolada Sanaag iyo Haylaan gaar ahaan Degmooyinka Baran iyo Dhahar ayaa maanta si rasmi ah looga daahfurey Diiwaangelinta wajiga 2-aad ee codbixiyayaasha.

Guddoomiyaha Guddiga KMG Doorashooyinka Puntland Cabdirisaaq Axmed Siciid ayaa degmada Dhahar ee Gobolka Haylaan ka daahfuray Diiwaangelinta codbixiyayaasha Gobolka Haylaan oo ka mid ah saddexda gobol ee wajiga 2-aad ee diiwaangelintu ka bilaamayso.

Masuuliyiin kala duwan oo ka tirsan Goleyaasha Dawladda ayaa ka qaybgalay daah-furka diiwaangelinta cod-bixiyeyaasha Gobolka Haylaan.

Dhanka kale Wasiirka Arimaha gudaha Puntland Cabdi Jaarax Siciid Juxa ayaa degmada Baran ee Gobolka Sanaag ka daahfuray Diiwaangelinta codbixiyayaasha Gobolkaas.

Masuuliyiintii ka qeyb galay diiwaan gelinta ayaa guud ahaan Bulshada labadaas Gobolka ugu baaqay in la is diiwaangeliyo si ay bari u doortaan Golahooda Deegaanka ee uga shaqayn doona adeegyada aasaasiga iyo guud ahaan horumarka Degmadooda.

Horseed Media