Goboladda Nugaal iyo Haylaan oo maanta ciyaaraya Finalka Koobka gobolada Puntland

Published: August 24, 2021

Waxaa Maanta la ciyaarayaa ciyaarta kama dambeysta ah ee (Finalka) Koobka Kubadda Cagta Gobolada Puntland.

Xulalka Gobolada Haylaan iyo nugaal oo isku soo haray wareegga kama dambeysta ayaa foodda isdari doona ciyaar xiiso badan oo indhaha lagu wada hayo.

Taariikh ahaan labadan Xul waa markii ugu horeysay ee wareeg kama dambeys isugu yimaadaan ,Xulka Gobolka Nugaal markii ugu horeysay maahan oo uu Final yimaado halka Haylaan ay tahay markii ugu horeysay ee ay soo gaaraan Final.

Tartankan oo inta uu socday ahaa mid xiiso badan ayaa waxa uu kasoo gudbay marxalado adag iyo ismari-waa sababay in ay xilalka ku waayaan xubnihii xiriirka kubadda Cagta ee Puntland.

Diyaargarowga Ciyaarta kama dambeysta ah ee labada xul ayaa ka socota magaalada Garoowe iyadoo garoonka Mire Awaare ay maanta camiri doonaan taagerayaashii ugu badnaa.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *