Gobolka Hawaii oo ka horyimid qorshaha Trump ee xanibaada socdaalka

Published: March 9, 2017

Gobolka Hawaii ee dalka Maraykanka ayaa ku dhawaaqey in ay ka hor imaanayaan qorshaha labaad ee xanibaadda socdaalka ee Donald Trump uu mar kale ku soo rogey 6 dal oo kamid ah dalalka Muslimiintu u badan yihiin.

Hawaii ayaa maxkamadda u gudbisey dacwadda ay uga soo horjeedo xanibaada cusub ee Trump so rogey maalintii Isniinta.

Xanibaadii hore ee Donald Trump ku soo saarey wareegtadiisa ayaa socon weydey kadib markii uu hor istaagey Xaakim Federaalka Maraykanka ka tirsan oo faderaalka oo fadhigiisu yahay Washington State.

Wareegtada cusub ee Trump ayaa la sheegay inay dhaqan geli doonto 16ka bishan Maarso, taasi oo kaduwan wareegtadii hore oo si deg degleh lagu dhaqan geliyey, keentayna in xiisad iyo buuq ka dhasho Madaarada Maraykanka oo lagu xiray dad badan oo muslimiin ah.

Waxaa lagu xusay wareegtadan cusub in dadka horey u heystay VISA ama Sharciga Degenaanshaha ee Green Card aan laga horjoogsan karin socdaalkooda.

Sidoo kale waxaa laga saaray wareegtadan xayiraada ah qodobkii sheegaya in dadka heysta Diinta Kirishtaanka ee dalalkaasi kasoo jeeda iyagu si gaar ah ogolaansho loo siinayo, arrintaasi oo horey loogu sheegay mid ah cunsuriyeyn dhanka diinta ah qeybna ka aheyd diidmadii Maxkamadaha Maraykanka kala horyimaadeen xayiraadii hore.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *