Waxaan hiirta waaberi subaxii sabtida bishuna ku beegantay 8-dii Feberaury 2020-kii ka kolanyeysannay SALALAH magaalo-madaxda gobolka…
Waxaan hiirta waaberi subaxii sabtida bishuna ku beegantay 8-dii Feberaury 2020-kii ka kolanyeysannay SALALAH magaalo-madaxda gobolka Dufaar ee CUMAAN, waxaanahay wafdi balaaran waxaan wadannaa gaadiid badan, yaanan arar kugu daaline waxaannahay wafdi uu hogaaminayo Boqor Burhaan Boqor Muuse, Boqorka Beelaha Daarood oo baryahan danbe safaro ku marayey Dalalka Jaziiradda Carbeed wuxuu ka soo bilowday safarku Imaaraatka Carabta oo aan ka booqannay Qasriga Madaxtooyada imaaradda RAAS AL-KHAYMAH, dalka labaad ee booqasho Boqorku ku maray wuxuu ahaa SALDANADA CUMAAN oo si weyn naloogu soo dhoweeyey.
Arartu yeysan durkine Qoraalkaan wuxuu gaar u yahay falanqeynta Booqashadii Gobolka MEHRAH EE YEMEN, waxaa boqorka wafdigiisa ka tirsan Axmed UGAAS Maxamed Siciid, Xaaji Maxamuud Faarax Bile, Xaaji Cismaan Aw Bariis Abuukaate Caydaruus Cabdullaahi Xaaji Khayr, Cabdiraxman Xasan Xaaji Abuubkar, Mahad Cabdullaahi, Sharmarke Xaaji Dayib, waxaa wafdiga ka mid ah rag badan oo Daaroodka Cumaan ah oo shuyuukh iyo rag-garboodba leh.
Goobkasta iyo Dalkasta oo aad u sii socotid waxaa ka haystaa aragti waxaa dhexgooshaya maankaaga sawiro iyo qaabab aad adigu aad iska u sameysatay ama duul duulka wararka iyo warbixinada ku soo gaaray kugu reebeen, waxaan ka haysatay Gobolkaas inta Yementa Guud ahaan uu kala wadaago inay asagana ka jirto, waxaa ka mid ah Dawlad la’aan oo ay maqantahay Kala-danbeynto oo ay si ba’an iskugu hardinayaan quwadaha isbahaysiga carbeed iyo kuwa ka soo horjeeda, wax weyn oo ku muuqanaya weeye markii aad cagaha dhugto, dhibaatooyinka hubka gacanta shacabka ku jira, hoos-udhaca dhaqaale, Wuxuu gaar iigu yahay Gobolkaas muddo dheer ayaan maqlay xiriirka qoto dheer oo ilmo-adeernimo iyo tolnimo ah inuu jiray, Ujeedada Safarkuna taas ayey ahayd oo waxaaba safarkayaga madax u ah hogaankii Dhaqanka.
Waxaan Cumaan dhexdeeda ku sii safarnay 260km waxaan gaarnay Macbarka Al-Mazyuunah magaaladaan oo cumaan ka tirsan waxaa ku badan qabiilka meheriga oo labada xadba ayagaa degan, halkaas ayaan ka galnay Xuduudda Yemen waxaa isbadalay jawigii guud waxaan ka baxnay dal ka mid ah dalalka gacanka carbeed ee hodanka ah nidaam dawladnimo oo buuxana ka jiro, waxaa nagu qaabilay dhinaca kale ee xadka yemen, Jeneraal CALI SAALIM ALXURAYZI waa nin SHEEKH ah oo Meheri ah wuxuu ka mid ahaa wafdigii Mehrah ee uu hogaaminayey Suldaan Cabdallah Bin Ciise Aal-Caftaar ee ka soo qeyb galay Caleema saarkii Boqor Burhaan ee ka dhacay Magaalada Qardho, salaan iyo ismarxabeyn ka bacdi waxaan u dhaqaaqnay magaalada Al-SHIXIN ee xadka Yementa ku taal oo naloogu diyaariyey Qado, soo dhoweyn balaaran oo dadku isjiireen tiro-badni awgeed ayaa ka dhacday, dadka intooda badan waa hubeysanyihiin, oraahda iyo kalmadaha intooda badan aan maqlaynay waxay ahaayeen “Marxaba YAA IBN AL-CAM” oo ah Soo dhowoow ina-adeer.
Waxaa lagu tiriyey goobtii qadada gabayo oo ay kala tiriyeen labo gabyaa, dulucda maansooyinka ay tiriyeen waxay ka sheekeynaysaa tolnimada iyo ehelnimada labada beelood ka dhaxaysa, amaan iyo bugaadinta buuqashada,
Qadadii ka bacdi ayaa Kalmad kooban waxaa jeediyey Jeneraal Cali Salim oo wafdiga Boqorka ugu mahadceliyey Booqashada Al-Mehrah ka dibna Boqorka ku soo dhoweeyey hadalkii wuxuu asaguna ka mahadceliyey soo dhoweyntii iyo Qado Sharaftii, wuxuu ka sheekeeyey xiriirkii walaaltinimo iyo ehelnimada ka dhaxaysa.
Waxaa ka dib wafdigii oo aad culus markaan u kolanyeystay Caasimadda Gobolka Al-Mehrah ee AL-QEYDAH waxaa yaab lahaa markaan gaadiidka iyo kolanyada aan ku soconno waxay gaaraysaa in ka badan boqolaal gaari, Gawaaridaan 3F-ka ama Cabdibilayaasha ayaa ka badan 100 Cabdibile, waxaa tuulo iyo magaalo kasta u istaagaynay oo safnaa beesha degta iyo gaadiidkooda ka dibna horay u sii raacaya wafdiga, annaga oo dhererka kolanyadu iI-ku-wareertay yahay waxaan gaarnay Magaalada Caasimadda u ah Gobolka Al-Mehrah ee AL-QEYDAH, waxaa layskugu soo baxay magaalada banaankeeda dadweyne aad iyo aad u tiro badan waxaa la sameeyey saf dheer oo Boqorku Salaanta gacanta galiyo waxaa hogaaminaya Odayaasha Dhaqanka Qabaa’ilka Al-Mehrah, Goobta soo dhoweynta Gaadiidka taagan waa boqolaal gawaari, markii is marxabeyntii iyo salaantii dhamaatay waxaa shir jaraa’id ku qabtay meeshii Boqor Burhaan iyo Sheekh Caamir Sacad Al-Kalshaat waxay cadeeyeen ujeedada safarka boqorka oo ah adkeynta walaaltinimadii iyo xoojinta xiriirkii soojireenka ahaa, habeenkaas waxaan u hoyanay xarunta Al-Mehrah.
09 bishii Feberaury ayaa layskugu yimid shir weyn oo ay ka soo qeyb galeen Qeybaha Qabaa’ilka Al-Mehrah waxaa Boqorka iyo Wafdigiisii lagu dul tiriyey sidii goobihii hore oo kale ka dhacday Gabayo iyo Geeraaro lagu maamuusayo walaaltinimadii Soomaalida iyo Yemen ka dhaxaysay iyo Xiriirkii soojireenka ahaa ee Daaroodka iyo Meheriga ka dhexeeyey, waxay xusayeen ilmo adeernimada iyo dhiiga iyo dhacaanka ka dhexeeya, waxaa ku jirtay qiiro badan kal-gacayl weyn iyo isku helow aan la soo koobi karin ragga qeybtiis illin bay hooriyeen ka dib dareenkii ay arkeen, taas bayna ku saabsanayd kalmadihii ay wada jeediyeen odayaashii oo ay ugu horeeyaan Dr: Sheekh Sacad oo ah nin aqoonyahan ah oo ah ninkii ugu horreeyey ee Jaamacad ka baxa gobolkaas, waxaa kale oo hadlay oo si wanaagsan u tafatiray Wasiir Abu wadiic Maxamed Kuddah oo gobolkaas ka ahaa horraantii 1990-kii Gudoomiye Gobol haddana Wasiir ka ah Xukuumadda Yemen.
Waxaa goobtaas xusid mudan oo ka hadlay oday weyn oo la yiraahdo QAABUUS wuxuu ka mid ahaa gurmadkii ciidan ee shuyuuciyaddu itoobiya u fidisay dagaalkii 1977-dii ee Ruushka, Kuba, Fitnaam, iyo yementii koonfureed ee shuuciga ahayd ee soomaaliya markay adkaatay ciidamo soo diray, wuxuu yiri annagoo ah 17 askari oo yemen ah ayaa ciidamadii Soomaaliya na qabteen, wuxuu yiri waxaa naloo xilsaaray sarkaal Ogaadeen – Daarood ahaa, wuu na heybsaday yaa ka tihiin Yemen, hadalkaan la booday oo waxaan iri waxaan ahay Meheri wuxuu yiri madaama aad halkaa wax la wadaagtaan waan idin fasaxaynnaa, saas baan xuriyaddeenii ku helnay aniguna maantay ku noolahay.
Sida dhaqan Qabaa’ilku yahay Golayaashaas Dhaqanka markii la fadhiyo ka ma duwana kuwii Soomaalideennii, qabiilku dhexdiisu waa la simanyahay Saqiir iyo Kabiir, Qofkii doonana oo qabiilka ka mid ah Oraahdiisa waa jeedsan karaah.
MEHERIDA
Al-Meherah ama Meheriga – sida aan Soomaaliga ugu dhowaaqno – waxay leeyihiin Gobolka Labaad ee ugu weyn Yemen, waxay degaan koonfurta Jaziiradda Carabta, waxaa ka mid ah Qabaa’ilkooda ( Beyt Aal-Cafraar, Beyt Kalshaat, Beyt Samuudah, Beyt Kuddah, Beyt Zacbanoot iyo kuwa kale oo badan) waxay kaloo deganyihiin Gobolka Dufaar ee Cumaan ee xadka la leh Yemen siiba Gobolkooda ku magacaaban, Sucuudiga waa degaan Deegaanka Rubc Al-Khaalii, Imaaraatka waa degaan waxayna ku leeyihiin Shuyuukh. Guud ahaanna dalalka khaliijka waa deganyihiin, waxaa maqlaysaa markii aad Al-Qeydah Joogtid inay Sudaanna deganyihiin oo XUMAYDATII ee Madaxweyne ku-xigeenka Sudaan inuu yahay nin meheriya.
Soomaaliya way deganyihiin waxaana ka mid ah qabaa’ilkooda degan (Bin Neemar oo ugu badan inta Soomaaliya ka degta – Bin Jadxi – Bin Sulaymi – Bin Cantuuni, Bin Cafriir).
Waxay leeyihiin taariikh dheer, waxay soo direen xiligii Imaam Axmed Guray oo ah 600 sano ka hor ciidan Meheri ah oo ka qeyb qaata Dagaaladii Xoreynta Xabasha, sida ku qoran kitaabka FUTUUX AL-XABASHAH, waxay lahaayeen Saldano koonfurta Iyo Bariga Jaziiradda Carabta ka jirtay oo Gumaystihii la dagaalamay uguna danbaysay 1967-dii oo uu ahaa Suldaan markaa suldaanka hadeer Aabihiis Suldaan Cabdalla Bin Ciise Aal-Cafraar waxaana Xarun u ahayd Magaalada QISHIN halkaas oo ay ku yaalaan weli Qasriyadeedii, waxay lahaayeen Passport.
Waa dad aad u qab-weyn isku kalsoon, shaqooyinka hoose ka faana, waxaa dhaqan u ah ninku inuu Qorigiisa dhigin, waxay kale oo ay qataan Janbiyadda iyo biskoolad, in badan oo ka mid ah ragga timahay la baxaan, Waa geelay, dhaqashadu geelana waa muhiim, reerka iyo sheekh aan lahaynna ma amaanna waxaa lagu raacaa cabdibilayaal nafacaysa ugu badanna oo xiligaan lagu haystana waa martida oo loo loogoh, caanihiisa oo la caboh, iyo inuu sharafta dhaqanka bar ka yahay, waxaa aad indhaha ku arkaysaa markaa dhex-joogtid deeqsinamdii carab lagu maqli jiray oo dhab ah oo aan lahayn iska doondoon, markii aad marti tahay ee aad la joogtid Geel gaar ahaan birta ka dhargaysa, xoolahana gowrac baa lagu jiidayaa, Shaah iyo Xalwadduna kala go’imayaan, ragga beeshuna fariisan mayaan siday u adeegayaan, markii qof beesha ka mid ahna soo galaan golaha markaa la fadhiyo waa la wada istaagayaa ha yaraado ha weynaado mar haduu QABIILI yahay.
Qabiilkaa weyn ee Gobolkaas weyn degan ninka jooga magaalka iyo kan baadiyaha ku dhaqan, kan weyn iyo kan yar, islaanta weyn iyo gabadha foodleyda ah waxay wada xifdisanyihiin inuu Daaroodka ilma adeertood yahay waxaan IBN CAM ahayn lagugu yeeri mayo, wuxuu u hayyaa ninka meheriga ah Soomaali oo dhan walaaltinimo iyo Hiillo.
Intii Goobood ee hadal-jeedinta aan fursadda u helay waxaan ku dul meeriyey gabayo badan oo dhaqankooda wanaagsan uu isoo xasuusiyey waxaa ka mid ahaa inay yihiin:
أعز بني الدنيا وأعلى ذوي العلى ▪︎▪︎ وأفضل من فوق التراب ولا فخر
Boqorku iyo Wafdigiisii waxay cusboonaysiiyeen xiriir ay sameeyeen awoowayaal hore, waxaa la Qoray oo Saxiixa lagu duugay XEERKA WALAALTINIMADA EE BEELAHA DAAROOD IYO MEHERI, xeerkaas wuxuu sheegayaa in la wada ilaaliyo walaaltinimadii iyo in la kobciyo midowgii, in layska kaashado horumarka labada beelood, laga wada shaqeeyo nabad galyada iyo xiriirka wanaagsan ee Soomaaliya Iyo Yemen, in la iska wada difaaco khataraha la iskuna gargaaro dhib kasta oo timaada siday Ilmo-Adeernimadu yeerinayso.
Waxaa hawshaas suurta gashay oo bud-dhige ka ahaa oo runtii kaalinta-ugu-weyn ku lahaa Walaal Bashiir Xasan Xaaji Abuubakar Aal-Cafraar, erayo kooban ugu ma mahadcelin karo dadaalkiisii baaxadda lahaa, waxaan Ilaahay u weydiinayaa Daarajo Aduun iyo mid Aakhiraba.
Qoray: Liibaan Axmed Shire