Golaha Amaanka ee Midowga Afrika oo canbaareeyey muddo kororsigii Farmaajo

Published: April 22, 2021

Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaadey Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa markii ay ka soo xirmeen albaabada Qaramada Midoobey, Midowga Yurub, Igad iyo in badan oo kamid ah dalalka saaxiibka la ahaa Soomaaliya waxa uu isku dayey in uu muddo kororsigiisa ka gado Midowga Afrika, xalkana iyaga ayuu u dhiibey isaga oo sheegay, in dhibaatooyinka ka jira Afrika ay u taalo Afrikaanka.

Maantey ayaa Golaha Amaanka ee Midowga Afrika waxa uu ka yeeshay shir gaar ah arrimaha Soomaaliya, waxaana ka soo baxay War murtiyeed si weyn uga nixiyey Farmaajo isla markaana soo xirey albaabkii u danbeeyey.

War Murtiyeedka ayaa lagu canbaareeyey muddo kororsigii Golaha Shacabka ee muddo xileedkoodu dhamaadey u sameeyeen hay’adaha Dowaldda, waxaalagu yiri 12 Abril.

Talaabooyinkii 12kii Abriil 2021 ee Golaha Shacabku, ee kordhiyay muddada xilka Madaxweynaha iyo Baarlamanka, iyadoo dib loogu dhigay doorashooyinka, taas waxay wiiqaysaa midnimada iyo xasilloonida dalka, geeddi-socodka dimoqraadiyadda iyo dastuurka ee curdanka ah, waxay khatar ku tahay nabadda iyo amniga, iyo sidoo kale waxay khatar ku tahay guulaha muhiimka ah ee ay Soomaaliya ku tallaabsatay sannadihii la soo dhaafay iyada oo taageero ka heleysa Midowga Afrika iyo la-hawlgalayaasha kale ee naftooda u huray.

PSC

Isla War murtiyeedka ayaa loogu baaqey hoggaamiyaasha Soomaaliya in ay dib ugu laabtaan wada hadalkii iyada oo gundhig looga dhigaayo heshiis 17 September iyo is fahamkii Baydhabo, waxaana lagu yiri:

Waxaan ku boorineynaa hogaamiyaasha siyaasadeed ee Soomaaliya inay mudnaanta siiyaan danaha qaranka iyo in si deg deg ah dib loogu bilaabo wada hadalka, iyadoo lagu saleynayo heshiiskii Sebtember 2020 iyo talooyinka gudiga farsamada ee Baydhabo, iyadoo la raadinayo xal la isku raacsan yahay oo ku saabsan arrimaha harsan ee hortaagan qabanqaabada doorashooyinka.

PSC

Golaha Amaanka ee Midowga Afrika ayaa degdeg uga dalbadey Madaxweynaha Midowga Afrika in uu Soomaaliya u magacaabo ergay gaar ah oo ka shaqeeya sidii dhinacyada la isugu keeni lahaa dalkana doorasho uga dhici lahayd.

Waxaan ka codsanayaa Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika inuu si deg deg ah ugu magacaabo una diro Soomaaliya, Wakiil Sare oo ah Ergeyga Gaarka ah ee Soomaaliya, inuu la shaqeeyo dhinacyada iyo daneeyayaasha kale ee ay khuseyso, isagoo taageero ka helaya Wakiilka Gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga iyo Madaxa ee AMISOM, si loo gaaro tanaasul la wada oggol yahay, iyo in warbixin lagu siiyo Golaha afarta toddobaad ee soo socda gudahood;

PSC

Haddaba waxaa la is weydiinayaa tallaabooyinka uu qaadi doona Farmaajo ee weli xafiiska ku sugan isla markaana aan doorasho qaban, waxaa soo xirmey albaabadii oo dhan, waxaana ugu danbeeyey kii isugu dalbadey ee Midowga Afrika oo ciidamo badan ka joogaan Soomaaliya, gacanta ku haya ilaha dhaqaalaha iyo amniga Madaxweynaha isu caleema saarey laba sano oo kale in uu xafiiska sii joogo.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *