Golaha Amaanka oo isku khilaafay Cambaareynta Inqilaabkii militari ee Myanmar

Published: February 3, 2021

Kadib kulan deg deg ah oo qaatay muddo labo saac ah oo ay khadka internetka ku yeesheen 15ka wadan ee xubnaha ka ah Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa waxaa lagu guuleysan waayey in laga soo saaro qaraarkii lagu cambaareyn lahaa afgembigii ay xukunka ku qabsadeen militariga wadanka Myanmar.

Dalalka China iyo Ruushka oo kamid ah xulafada militariga Myanmar ayaa la sheegay inay diideen in xiligan lasoo saaro qaraar ka dhan ah militariga Myanmar, iyagoo codsaday wakhti dheeraad ah.

Dowlada UK oo hogaamineysa dalalka reer Galbeedka ayaa soo diyaarisay qoraalka lagu cambaareenayo inqilaabkii ka dhacay Myanmar, iyagoo sheegay in loo baahan yahay in go’aan adag laga qaato falkaasi, hase yeeshee laguma guuleysan qoraalkaasi inay ansixiyaan xubnaha Golaha Amaanka.

Dowlada Shiinaha ayaa la rumeysan yahay inay garab kusiineyso militariga Myanmar inay dib ulla wareegaan xukunka dalkaasi, maadaama dowladii la doortay oo ay hogaamiso haweenayda Aung San Suu Kyi ay hakisay mashaariic waaweyn oo uu shiinaha ka waday dalkaasi.

Aung San Suu Kyi iyo dhamaan madaxda xisbigeeda iyo Baarlamaanka ayaa ku jira xabsi guri iyadoo ay militariga weli diidan yihiin baaqa uga imaanaya Beesha Caalamka oo ah inay siidaayaan madaxda la doortay.

Khalid Yusuf
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *