Golaha Amaanka oo soo dhaweeyey shirka 15 Febaraayo

Published: February 10, 2021
Security Council Meeting: The situation in Somalia Report of the Secretary-General on Somalia (S/2010/447)

Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobey ayaa kulan albaabadu u xiran yihiin habeenkii Salaasada ka yeeshay arrimaha Soomaaliya. Waxaa kulanka ku baaqey oo isugu yeeray Golaha Amaanka, Dowladda Ingriiska.

Bayaan ka soo baxay kadib markii shirku dhamaadey oo ay meel mariyeen 15 Dowladood ee Golaha Amaanka ayaa lagu yiri:

Waa in hoggaamiyaasha Soomaalidu dib u bilaabaan wadahadalkooda si deg deg ah oo ay u wada shaqeeyaan, iyagoo eegaya danaha dadka Soomaaliyeed.

Bayaanka ayaa ku dhiiri galiyay hogaamiyaasha in “ay gaaraan heshiis la isku raacsan yahay oo ku saabsan qabanqaabada qabashada doorashooyin loo dhan yahay iyadoo la doonayo in sida ugu dhaqsiyaha badan loo qabto.”

Dhanka kale Golaha Amaanka ayaa soo dhaweeyey shirka Madaxweyne Farmaajo ku dhawaaqey ee 15 Feberaayo, inkasta oo aan weli si rasmi ah la isugu raacin halka uu ka dhacaayo.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *