Golaha Amaanka Qaramada Midoobay Oo Ka Hadlay Doorashada Soomaaliya

Published: March 13, 2021

Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay oo xalay kulan Khaas ah ka yeeshay arrimaha Soomaaliya ayaa baaq wadajir ah u diray madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada dalka,  si loo dhaqaajiyo heshiis wadajir ah oo horseedi kara Qabsoomida Doorashooyinka soo socda.

Golaha Ammaanka ayaa walaac ka muujiyay dib u dhaca ku yimid dhameystirka hannaanka doorashooyinka sanadkan. Waxa uu ku booriyay dowladda federaalka iyo dowlad-goboleedyada “in ay abaabulaan doorashooyin xor ah, caddaalad ah, lagu kalsoonaan karo oo loo dhan yahay” iyadoo la raacayo qodobada heshiiskii 17- kii September 2020.

Golaha ayaa xoojiyay muhiimadda ay leedahay in la dhiso awoodda ciidamada Soomaaliyeed iyo hay’adaha dalka si ay awood ugu yeeshaan maareynta khataraha imminka jira iyo kuwa mustaqbalka, iyadoo ciidamada Midowga Africa, ee AMISOM loo oggolaaday in ay gacan ka geystaan in ay waajibaadkooda amni ku wareejiyaan dowladda Soomaaliya.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *