Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay oo kulan gaar ah ka yeeshay xaaladda Soomaaliya

Published: February 23, 2023
Shares78

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa qabtay kulan furan oo xog-waran ah oo ay kaga hadleen xaaladda Soomaaliya, waxayna warbxin kaga dhageysteen ku-simaha Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya ahna madaxa Xafiiska Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM) Anita Kiki Gbeho oo ka ka warbixisay xaaladihii ugu dambeeyay ee dhinacyada siyaasadda, amniga iyo bini’aadantinimada ee Soomaaliya.

Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya ayaa sheegtay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay horumar la taaban karo ka samaysay dhanka horumarinta arrimaha mudnaanta u leh qaranka.

“Waxaa la sii waday wadashaqayn dhow oo lala yeesho Dowladaha ka tirsan Dowladda Federaalka, waxaa dib loo soo celiyey dardargelinta dagaalka lagula jiro Al Shabaab, Soomaaliyana waxay ku sii socotaa wadadii ay ku dhamaystiri lahayd hannaanka dayn cafinta sanadka 2024-ka.” ayey tiri Anita Kiki Gbeho.

Sidoo kale waxa ay sheegtay in Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, uu dadaal ugu jiro sidii mudnaan loo siin lahaa xiriirka Dowladda Federaalka iyo Dowlad- Goboleedyada Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka, iyo sidii loo horumarin lahaa arrimaha hortabinta u leh dhismaha dowladnimada.

“Waxaan ku dhiirrigelinayaa Dowladda Federaalka iyo Dowlad-Goboleedyada Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka inay sii wadaan wadahadalka iyagoo ku shaqaynaya xayndaabka GWQ dhexdiisa si loo helo isafgarad wadarogol ah oo ku saabsan ajendaha Soomaaliya ee dhismaha dowladnimada” ayey tiri Anita Kiki Gbeho.

Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Anita Kiki Gbeho oo soo hadal qaaday xaaladda ka taagan Magaalada Laascaanood ee Gobolka Sool, ayaa sheegtay in uu halkaasi weli ka socda dagaalladii ka bilowday 6-dii bishan Febraayo, waxaana ay sheegtay inay sababeen baahiyo bini’aadminnimo oo sii kordhaya.

Anita Kiki Gbeho ayaa shaacisay in dad ka badan 185,000 qof ay barakaceen dagaalka Laacsaanood, kuwaasoo 89 boqolkiiba ay yihiin haween iyo carruur, halka ugu yaraan 63 qof oo rayid ah ayaa ku dhintay in ka badan 363 qofna waa ay ku dhaawacmeen.

Dhanka kale waxa ay sheegtay inuu socdo dadaallo lagu joojinayo dagaalka, balse xaaladda oo ay ka mid tahay “beegsiga kaabayaasha dhaqaalaha ayaa weli ah mid laga naxo”.

Horseed Media