Golaha Ammaanka oo ansixiyey qaraar dalbanaya xabbad joojin degdeg ah oo ah Gaza

Published: March 25, 2024

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa meel mariyay qaraar ku baaqaya in “xabad-joojin degdeg ah” laga sameeyo Gaza, ka dib markii Maraykanku uu ka gaabsaday in uu diido tallaabadaas oo beddeleysa mowqifkiisii ​​hore.

Qaraarku wuxuu kaloo dalbanayaa in si degdeg ah oo shuruud la’aan ah loo sii daayo dhammaan la haystayaasha.

Qaraarka, oo ay soo bandhigeen 10-ka xubnood ee aan joogtada ahayn ee Golaha Ammaanka, ayaa dalbanaya xabbad-joojin degdeg ah bisha Ramadaan, si degdeg ah oo shuruud la’aan ah oo lagu sii daayo la haystayaasha iyo “baahida degdegga ah ee ka jirta GAZA si looga jawaabo”

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay António Guterres ayaa sheegay in ku guul dareysiga fulinta qaraarka ay noqon doonto “mid aan la cafin karin.”

“Golaha Ammaanku waxa uu ansixiyay qaraar muddo dheer la sugayay oo ku saabsan Gaza, oo dalbanaya xabbad-joojin degdeg ah, iyo in si degdeg ah oo shuruud la’aan ah loo sii daayo dhammaan la haystayaasha.
Qaraarkan waa in la fuliyo. In la fulin waayo waxay noqon doontaa mid aan la cafin karin,” Guterres ayaa ku qoray X, oo hore loogu yaqaanay Twitter.

Talaabadan uu qaaday Mareykanka ayaa muujineysa kala duwanaanshiyaha sii kordhaya ee u dhaxeeya isaga iyo xulafadiisa Israel ee ku aadan duulaanka Israel ka wado Qaza.

Codbixinta Qaramada Midoobay ee Isniintii ayaa ku soo beegantay iyadoo ay sii kordhayso xiisadda ka dhalatay howlgallada soo socda ee ciidamada Israa’iil ay ka wadaan magaalada koonfurta Qaza ee Rafah.

Faafin degdeg ah