Golaha Aqalka Sare ee BJFS oo akhrinta 1-aad marsiiyay hindise sharciyeedka xeerka shaqada Soomaaliya

Published: August 24, 2024

Kalfadhiga shanaad kulankiisa 12-aad Aqalka Sare ee Baarlamaanka JFS ayaa maanta qabsoomay, iyadoo ajandaha kulanka uu ahaa akhrinta koowaad ee hindise sharciyeedka xeerka shaqada Soomaaliya iyo Soo jeedinta la xiriirta arrimaha Shaqada Dowladaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka iyo Aqalka Sare.

Ugu horrayn Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS Mudane Dr. Maxamed Cilmi Ibraahim, ayaa sanatarrada Aqalka Sare u faahfaahiyay muhiimadda Sharciga Xeerka Shaqada Soomaaliya, sababta keentay in dib u eegis lagu sameeyo iyo baahida loo qabo waqtigaan.

Intaas kadib Sanatarrada Aqalka Sare ayaa gudagalay dood waqti dheer qaadatay oo ku saabsanayd doorkooda matalaad ee arrimaha shaqada, dowladaha xubnaha ka ah dowladda Federaalka Soomaaliya, waxayna soo jeediyeen talooyin, dhaliilo iyo aragtiyo kala duwan oo wax ku ool ah, iyagoo tilmaamay in la raaco qodobada ay xeeriyen xeer-hoosaadka Aqalka Sare iyo Dastuurka KMG ah ee dalka, si ay u gutaan waajibaadkooda shaqo.

Horseed Media