Golaha Aqalka Sare oo ansixiyay Hindise sharciyeedka Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliyeed

Published: March 8, 2023

Senatarada Golaha Aqalka Sare Baarlamaanka JFS ayaa maanta u codeeyay Hindise sharciyeedka Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliyeed kaddib markii ay marsiiyeen aqrinta 1aad, 2aad iyo 3aad.

Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee Golaha Aqalka Sare Baarlamaanka JFS Cali Shacbaan Ibraahim oo maanta shir Guddoominayay Kulanka ayaa sheegay in 29 Senator ay u codeeyeen mana jirin Sanatar Diiday ama ka aamusay.

Hindise sharciyeedka Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya ayaa sidaan oo kale kasoo gudbay Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka oo mariyay saddexda aqrin iyo codeynta uu ku ansaxay.

Isla fadhiga Golaha Aqalka Sare Baarlamaanka JFS waxa ay Senatarada u codeeyeen Hindise Sharciyeedka lagu hagayo  Nidaam maaliyadeedka Kheyraadka Dhulka Hoostiisa oo ka gudbay aqrinta 3aad & doodda Senatarada.

Horseed Media